|
Jubada Hoose,(insiodesomalia.org)- Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ayaa waxa ay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose.
Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka Cabdi Raxiin Ciise Cadow ayaa sheegay in ay Kooxdii gacanta ku heysay ay kala wareegeen deeagaanka kudhaa oo katirsan Gobolka Jubada Hoose ,waxaana uu xusay in Kooxdaasi ay Shacabka dhibaato ku hayeen, islamrkaana ay doonayaan in iyagu amaanka ay ka shaqeeyaan.
Cabdi Raxiin Ciise Cadow ayaa waxa uu tilmaamay in ay kulan la qaateen Odayaasha Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/hoose ayna qorsheynayaan in ay howlagalo burcad sifeyn ah ay ka fuliyaan, iydoo deegaanadaasina ay ka jiraan Burcad dadka dhibaatooyin u geysta.
Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha ayaa intaa ku daray in ay shalay qaadeen tilaabooyin burcada lagula dagaalamayo,kuwaasi oo isbaarooyinka dhigata wadooyinka ay daweynaha kusafraan,wuxuuna sheegey sidoo kale in ay hool burcad safeyn ah kafuliyeen Wadada Xeebta ah ee iskuna xirta Xarardheere iyo Muqdisho iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabelaha Dhexe.
Inta badan Dalka Soomaaliya waxaa ka jira burcad Wadooyinka jidgooyooyin dhigta, kuwaasi oo lacago baad ah ka qaada dadka iyo Gaadiidka ku safra mararka qaarkoodana dili iyo dhac u gysta dadka rakaabka ah oo ku safra wadooyinkaasi.
|